Kumanaan Ameerikaan ah oo Mudaaharaad ka Dhan Trump iyo Elon Musk ka Dhigaya Guud Ahaan Dalka Maraykanka.

32
0

Dalka Maraykanka ayaa wajahaya mudaaharaadyadii ugu balaarnaa tan iyo markii ay talada dalkaas qabteen xisbiga Jamhuuriga ah oo uu hogaamiyo Donal Trump, waxaana isusoobaxyadan hor kacaya, isbahaysi ay ku jiraan tobanaan kooxood oo ka tirsan ururada bidixda fog.

Mudaharaadyadan loogasoo horjeedo xukumada talada haysa ayaa ka dhacaya  in ka badan Kun Magaalo oo katirsan dalka Maraykanka, waxaana qayb ka ah dhamaan dagmooyinka ay ku xoogan yihiin  congress-ka Maraykanka.

Dadkan ayaa diidan siyaasadaha cusub ee uu aqalka cad layimi Donald Trump iyo la taliyihiisa Elon Musk, iyaga oo wata boorar waaweyn oo ay ku xardhantahay oraahda ah “Gacmaha kor” waxayna ka taageen masrax u dhow Aqalka Cad ee Maraykanka loo arimiyo. Dibad-baxayaashu waxay kaloo wateen boorar ay ku qoran yihiin kalmado lidi ku ah Donal Trump.

Jane Ellen Somes, oo 66 jir ah oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay, in ay kasoo hor jeedo siyaasada maamulka Trump oo ka shaqaynaya burburinta hay’adaha dimuqraadiga ah ee Maraykanka. “Aad ayaan uga walaacsan tahay inaan aragno waxa ku dhacaya waddankeena,” ayay tiri iyada oo waraysi siinaysa wakaalada AFP.

Mudahaaryadan ayaa kusoo beegmay kaddib markii uu Donal Trump dhimay inta badan lacagihii uu siin jiray shaqaalaha hoose ee dawladda, isaga oo kuwa badan shaqada ka eryay, arrintaan ayaa guud ahaan dalka Maraykanka galisay khalkhal siyaasadeed iyo dhaqaalo xumo baahsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here