Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa duqeymo ka wada Yemen muddo saddex toddobaad ah, waxaana saaka lasoo tabinayaa duqayn ka dhacay dalkaas, iyada oo warbaahin xiriirka la leh Xuutiyiinta ayaa sheegtay, in diyaaradaha Mareykanka ay duqeymo cirka ah la beegsadeen Jasiiradda Kamaran ee gobolka Xudeydah ee galbeedka Yemen.
Isla warbaahintan ayaa horay u sheegtay in laba qof ay ku dhinteen afar kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaaradaha Maraykanku ku qaadeen dukaan lagu iibiyo tamarta cadceedda oo ku yaalla deegaanka Xafsin ee gobolka Sacda, ee waqooyiga dalkaas.
Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxaha difaaca madaniga ah ay u soo gurmadeen goobta ay duqeyntu ka dhacday, waxaana ay ku guuleysteen in ay damiyaan dabkii ka kacay weerarka, isla markaana ay ka soo saaraan dadkii ku waxyeeloobay burburka hoostiisa.
15-kii Maarso, Mareykanka ayaa billaabay howlgal ballaaran oo militari oo ka dhan ah Xuutiyiinta, isagoo ku marmarsiyoonaya inuu soo afjarayo khatarta ay Xuutiyiintu ku hayaan maraakiibta Maraykanka eek u socdaala badda Cas.