Tiro Dad ah oo ku Dhintay Shil Diyaaradeed oo ka Dhacay Koonfur-Galbeed ee Dalka Japan.

9
0

Wararka ka imaanaya dalka Japan ee dhaca qaaradda Aasiya ayaa ku waramaya, in koonfur-galbeed ee dalkaas uu maanta ka dhacay shil diyaradeed oo galaaftay noolasha qaar kamid ah dadkii saarna diyaaradda.

Ilaalada xeebaha ee Japan ayaa sheegay, in diyaarad helicopter ah oo ambalaas ahayd ay ku dhacday xeebaha dalkaas, ayna halkaasi ku quurbaxeen ruux bukaan ah iyo laba qof oo kale oo saarnaa diyaaradda.

Ilaalada xeebaha ee dalkaas ayaa soo badbaadiyay saddex qof oo kale oo uu ku jiro duuliyihii diyaaradda, kadib markii ay ka dhex heleen biyaha iyagoo ku dheggan jaakadaha sabeeya.

Meydadka saddaxdii ruux ee geeriyooday ayaa markii dambe waxaa soo qaaday diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Japan.

Maamulka Japan ayaa ku dhawaaqay, in baaritaanka ku aaddan sababta keentay shilkaas uu wali socdo.

Diyaaraddan Helicopter-ka ah ee burburtay ayaa ku sii jeeday isbitaal ku yaalla Fukuoka, iyadoo ka timid garoonka diyaaradaha ee ismaamulka Nagasaki, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha ee dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here