Waxa daqiiqada ka hor Baraha Bulshada lagu faafiyay sawirro laga soo qaaday ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo si buuxda gacanta uga haayo deegaanka Aboorrey ee dhaca duleedka magaalada Buulaburde.
Waxaa sawiradani lagu arkayaa cutubyo katirsan Malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo gaaf-wareegaya wadooyin iyo suuqa deegaanka, si ay u sugaan amaanka guud ee deegaankaas, kadib markii ay maanta dagaal kagala wareegeen ciidamadii dowladda Fadaraalka ee halkaasi Fariisimaha ku lahaa.
Deegaankan ayaa dhawaan marti galiyay weerar cagmarin ahaa oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kaas oo dowladda looga dilay askar iyo saraakiil, hub iyo saanadna looga faramaroojiyay.
Hoos Ka Daawo Sawirada Siina Faafi.