Ciidamada Taageerada Degdegga ah oo Duqaymo ku Garaacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dongola ee Waqooyiga Suudaan.

13
0

Maleeshiyaadka Taageerada Degdegga ah ayaa maanta duqayn culus ku bartilmaameedsaday kaydkii shidaalka ee garoonka diyaaradaha magaalada Dongola ee dhacda waqooyiga Suudaan.

Duqayntan oo sababtay in uu dab xooggan ka kaco xarunta shiidaalka ee garoonka, ayaa ugu dambayntii lagu guulaystay in la damiyo, kaddib markii ciidamo dabdamis ah oo katirsan militariga dawladda Suudaan ay soo gaareen goobta uu dabku ka kacay.

Weerarkan ayaa imaanaya saacado un kaddib markii Maleeshiyaadkan ay xasuuq wuxuushnimaa ka gaysteen tuulo dhanka koonfureed ka xigta magaalada Omdurman, halkaas oo ay ku dhinteen  106 qof oo rayid ahaa, waxa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay 37 qof oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa tuulada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here