Sarkaal sare oo ka tirsanaa nidaamkii hore ee dalka Suuriya ayaa gacanta lagusoo dhigay, kaddib baaritaano ay sameeyeen laamaha amaanka ee dawladdaas, iyadoo ay ciidamu kor dhiyeen hawgallada amniga lagu sugayo tan iyo markii xilka laga tuuray Bishaar Al-Asad.
Madaxa qaybta koonfureed ee gobolka Xoms, Mohammed Abu Jacfar ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta ku sheegay, in ciidamada ammaanka ee magaalada Xims ay xireen Mahmoud Shaddoud, oo ahaa sarkaal ka tirsanaa saraakiisha amniga ee magaladan Xims xiligii Bishaar Al-Asad.
Waxa uu intaasi ku daray in baaritaanka eedeysanahan uu bilowday, kaddib markii ay soo baxeen warbixino badan oo ku aadan inuu ku lug lahaa fal-dambiyeedyo ka dhacay magaalada Xims, waxaana ninkan lagusoo oogay falal ay kamid yihiin afduubka dad shacab ahaa, isaga oo ugu damabayn gubi jiray dadka uu kasoo afduubto magaalada, Shaddoud ayaana qirtay dhamaan dambiyada haatan loosoo xiray.
Dawladda cusube ee uu hogaamiyo Axmed Sharaa ayaa ku gulaysatay, in ay gacanta kusoo dhigto saraakiil ka hoos shaqayn jiray maamulkii Bishaar Al-Asad, kuwaas oo dhibaatooyin adag u gaystay shacabka muslimiinta ah ee reer Suuriya.