Maraykanka oo Duqeymo Cusub la Beegsaday Magaalooyinka Sanca iyo Ma’rib ee Dalka Yemen.

18
0

Warbaahin xiriirka la leh kooxda Xuthiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa ku warantay, in diyaaradaha Mareykanku ay qaadeen duqeymo xiriir ah subaxnimadii hore ee maanta, kuwaas oo ahaa illaa 22 weerar oo ay la beegsadeen goobo kala duwan oo ka tirsan gobalada Sanca, Ma’rib iyo Al Xudeydah.

TV-ga Al-Masirah ayaa dhankiisa sheegay, in 11 duqeymo lala beegsaday deegaanka Jarban oo ka tirsan degmada Sanxaan iyo Al Jumaimah oo ka tirsan degmada Bani Xuushaish oo dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Sanca.

Kanaalkan ayaa intaas ku daray, in diyaaradaha Maraykanku ay laba weerar ku qaadeen Jaziirada Kamaran ee gobolka Al Xudaydah ee galbeedka Yemen, waxay sidoo kale diyaaradahani sagaal weerar ka fuliyeen gobolka Ma’rib ee waqooyi bari dalka Yemen oo ay ku jiraan shan weerar oo ka dhacay degmada Majzar iyo Afar weerar oo ka kala dhacay deegaanka Koofal ee Sirwah iyo degmada Al Juba.

Weeraradan ayuu Donald Trump wuxuu ku muujiyay in uu guullo la taaban karo kuxaqiijiyay, hawlagaladan ayaana galaaftay nolosha boqolaal shacab ah oo aan qayb ka ahayn dagaalka kasocda Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here