Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaallo saacadihii lasoo dhaafay lagu jabiyey ciidamada dowladda Fadaraalka, kuwaas oo ka dhacay deegaanka Aboorreey ee gobalka Hiiraan.
Inta la xaqiijiyay waxaa ciidamada dowladda Fadaraalka laga dilay 14 askari, kuwaas oo 3 ka mid ah ay meydadkooda uga carareen goobta ay dirirtu ku dhexmartay iyag iyo ciidamada Al-Shabaab, halka dhaawacana uu gaarayo 20 kale.
Shalay ahayd markii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dagaal kula wareegeen deegaankaasi, iyadoo Baraha Bulshada lagu faafiyay sawirro muujanaya cutubyo ka tirsan malatariga Al-Shabaab oo gaaf-wareegaya wadooyinka iyo suuqa deegaanka.