Maamulka Asarbayjaan ayaa ku dhawaaqay Isniintii, in cutubyo ka tirsan ciidamada Armenia ay rasaas ku fureen fariisimo ay ciidamadooda ku leeyihiin xadka labada dal.
Wasaaradda difaaca ee Asarbayjaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in rasaasta lagu soo furay ciidamadooda ay si teel-teel ah u dhacaysay fiidnimadii Axadda illaa subaxnimo Isniinta, iyadoo xustay, in malatarigooda ay ka jawaabeen tacshiiradahaasi.
Taas bedelkeeda, Wasaaradda Difaaca ee Armenia ayaa beenisay hadalka kasoo yeeray Asarbayjaan, iyadoo eedeymahaasi ku tilmaantay, kuwa wax kama jiraan ah oo aan macquul ahayn, iyadoo dhanka kalana xaqiijisay inay diyaar u tahay inay baarto xaqiiqooyinka ku jira bayaanka Asarbayjaan haddii la siiyo macluumaadka lagama maarmaanka ah.
Waxay sharaxday in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Armenia uu horay u soo jeediyay in la sameeyo hannaan wadajir ah oo lagu baaro xadgudubyada ka dhanka ah abbad joojinta ee labada dal midba uu ku eedeeyo kan kale, balse aysan Azerbaijan weli ka jawaabin soo jeedintaas.
Si kastaba ha ahaatee, arrimahan ayaa imaanaya iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in heshiis nabadeed ay ku kala saxiixdan labadan dal ay dirirtu kasoo dhexaysay muddada fog. Wasiirka arrimaha dibadda ee Asarbayjaan Jeyhun Bayramov ayaa ku dhawaaqay 13-kii March, dhamaystirka wada xaajoodyada lagu diyaarinayo heshiiska, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu caadiyeeyo xiriirka labada dal.