Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya Regathi Gatshagwa ayaa jeediyay hadallo adag oo dhaliyay muran ku saabsan ku lug lahaanshiyaha William Ruto ee qalalaasaha ka taagan dalka Suudaan, kaas oo ku eedeeyay inuu taageero dadban siiyo Maleeshiyaadka RSF.
Diblomaasiyaddan oo cirka isku sii shareertay ayaa ka tarjumaysa xurgufta weyn ee ka dhex jirta xiriirka u dhexeeya Kenya iyo Suudaan, iyadoo Gachagwa uu ku eedeeyay Ruto inuu yahay taliyaha dhabta ah ee Ciidamada Taageerada Degdegga ah, kuwaas oo laf dhabar ka ah colaadda Suudaan.
Gachagua waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in Madaxweynaha Kenya uu ka warqabo dhammaan dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay wadaan xoogagga Taageerada Degdegga ah iyo in uu xitaa hagayo howlgalladaas oo laga yaabo in ay ka mid yihiin bixinta taageero dhanka saadka iyo dhaqaalaha ah. Arrintan ayuu Gachagua wuxuu ku tilmaamay inay ka tarjumeyso isku dhac siyaasadeed oo aan horay loo arag taariikhda xiriir ee ka dhaxaysa labada dal.
Waxa uu sidoo kale xusay Siyaasigan, in Ruto uu xiriirkan uga faa’ideystay horumarinta danaha Kenya ee gobolka, taasi oo ka tarjumaysa mowqif ka hor imaanaya siyaasadda caadiga ah ee Kenya ee dhexdhexaadnimada ah ee arrimaha Suudaan.
Eedeymahan ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah, iyadoo dowladda Suudaan ay horay ugu dhaleeceysay Kenya mowqifkeeda ku wajahan ciidamada taageerada degdegga ah, waxayna siyaasada banaanka imaatay kaddib markii madaxda siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dawladda Suudaan ay kulan ku yeesheen magaalada Nairoobi ee caasimada dalka Kenya.