Trump oo Damacsan in uu Dadka Soogalootiga ah ku Ganaaxo Lacag Dhan Kun Doollar Maalin Kasta Haday Kamadax-adaygaan Masaafurinta.

14
0

Maamulka Trump ayaa damacsan in uu ganaax lacageed kusoo rogo dadka soogalootiga ah ee ka madax adayga amarada masaafurinta ah, kuwaas oo laga qaadi doono lacag dhan Kun Doollar maalin kasta.

Dawladda Maraykanka ayaa dadka bixinwaaya lacagtan ugu hanjabtay inay la wareegi doonaan dhamaan hantidooda, iyadoo dalkaas ay ku nool yihiin Soomaali aad u badan, waxaana haatan jaaliyadaha Soomaalida ah soo food saartay cabsi daran.

Ganaaxyadan ayaa lagu saleeyay sharci dalkaas looga dhawaaqay sanadkii 1996-kii oo markii ugu horreysay la dhaqan-galiyay 2018-kii xilligii Trump, kuwaas oo lacag ganaax laga qaaday dad badan oo soo galooti ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka, oo magaciisa qariyay, ayaa sheegay, in maamulka Trump uu damacsan yahay inuu cunaqabateyntan dib ugusoo celiyo Maraykanka shanta sano ee soo socota, taasoo ka dhalan karta ganaax ka badan $1 milyan.

Trump ayaa bilaabay ol-ole adag oo dhanka socdaalka ah kaddib markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo ee sanadkan, isagoo dalka Maraykanka ka eryaya dad badan oo soo galooti ah, ganaaxyada la qorsheeyay ayaa beegsan doona ku dhawaad 1.4 milyan oo soo galooti ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here