Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Itoobiya ku Eedeysay Dilka 20 Kun oo Soomaali ah iyo Burburinta Moqdisho.

55
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha DF Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada caasimada Muqdisho ayaa eedeeyay dowlada xabashida Itoobiya.

Fiqi asagoo ka ka jawaabaya dooda ay furtay dowladda xabashida oo ah in ciidamada xabashida uu dhiig badan kaga baxay muddada ay joogeen dalka, maadaama ay qayb ka yihiin ciidamada Shisheye ee dalka Soomaaliya jooga.

Axmed Macallin Fiqi ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya in ay dileen in ka badan 20 kun oo Soomaali ah sanadihii u dhexeeyay 2007-2008, asagoo sidoo kalena sheegay in ay burburiyeen hanti dadweyne, ayna sababeen barakaca in ka badan 800 kun oo qof.

“Waa jiraan Ciidamo Itoobiya iyo guud ahaan howlgalka ATMIS uga dhintay dagaalka lagula jiro Khawaarijta balse taas micnaheedu ma ahan aan baddaada iyo dhulkaaga qaato.” ayuu yiri Axmer Fiqi.

Hadalka Fiqi waxaa ka dhashay suaalo ay is waydiiyeen qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed oo ah in Axmed Macallin Fiqi uu qayb ka yahay siyaasiyiinta soo horkacay ciidamada Shisheye sidoo kale sanadkii hore warbaahinta u sheegay in ay qorsheenayaan weerar ballaaran oo ay hogaaminayaan ciidamada xabashida Itoobiya weerarkaas oo lagu qadaayo deeganada iyo magaalooyinka ay maamulaan xarakada Alshabaab, taas oo la rumeysan yahay in ay qayb ka noqon leheed, xasuuqyadii ay gaysteen ciidamada xabashida ay taageeraan Axmed Fiqi iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here