Al-Shabaab oo Madaafiic ku Garaacday Degmada Aadan Yabaal, Askarna ku Dishay Duleedka Magaaladaas.

19
0

Wararka inaga soo gaaraya gobalka Shabeellada Dhexe ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku waramayo, in guutada jugta culus ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay duqeymo xooggan ku garaaceen mid kamid ah fariisimiha ay ciidamada dowladda Fadaraalka ku leeyihiin gobalkaasi.

Weerarkan madaafiicda ah ayaa si gaar ah duhurnimadii maanta loogu garaacay saldhigyadda ay ciidamada dowladda Fadaraalka ku leeyihiin gudaha degmada Aadan Yabaal, waxaana jira khasaaro ka dhashay, walow aanan wili helin inta uu la egyahay.

Dhanka kale, ciidanka Mujaahidiinta ayaa weerar ku qaaday askar ka tirsan ciidamada dowladda Fadaraalka oo ku sugnaa duleedka Aadan Yabaal,  waxaana  weerarkaasi looga dilay 4 askari, kuwaas oo ay meydadkooda kaga carareen goobta dagaalka.

Lasoco wixii kusoo kordha duqeymaha Aadam Yabaal……..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here