Wararka inaga soo gaaraya dalka Mareykanka ee dhaca qaaradda Ameerika ayaa tibaaxaya, in weerar toogasha ah uu galabnimadii shalay ka dhacay dalkaas, kaas oo uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Sida ay mas’uuliyiin dalkaasi u sheegeen warbaahinta.
Inta la xaqiijiyay Saddex qof ayaa lagu dilay, halka saddex kalena lagu dhaawacay weerarkan toogashada ah oo si gaar ah uga dhacday magaalada Fredericksburg ee gobalka Virginia.
Maamulka dalkaas ayaa sheegay, in booliisku ay heleen taleefoono ku saabsan toogasho ka dhacday dhisme la deggan yahay oo ku yaalla Degmada Spotsylvania, oo qiyaastii 65 mayl koonfur-galbeed ka xigta magaaladda caasimadda ah ee Washington.
Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaallada, balse illaa iyo hadda lama hayo xog dheeraad ah oo ku saabsan xaaladooda, iyadoo booliisku ay baadi goobayaan dad laga shakisan yahay inay ka danbeeyeen weerarkaasi.
Haweenay u hadashay booliiska ayaa sheegtay, in toogashada laga yaabo in ay fuliyeen in ka badan hal qof, mana jirto cid loo qabtay ama xog dadweyne oo ku saabsan sabab macquul ah oo la shaaciyay.
Iyadoo intaasi ku dartay, in tobanaan saraakiil ah ay si firfircoon u baadigoobayaan tuhmanayaasha, mas’uuliyiintuna waxay weydiisteen markhaati kasta inay soo diraan muuqaal gacan ka geysan kara baaritaanka.
Si kastaba ha ahaatee dalka Mareykanka iyo guud ahaan dowlaha reer galbeedka ayaa wajahaya weerarro caynkan ah, kuwaas oo galaaftay noolasha dad aad ufara badan.