Qaraxyo Xooggan oo lagu Weeraray Ciidamada dowladda Fadaraalka oo ku sugnaa Xaafado ka Tirsan Magaalada Baladweyne.

15
0

Wararka inaga soo gaaraya gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku waramaya, in dagaalyahanada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay xalay 2 qarax ku wareerareen ciidamada ka tirsan dowladda Fadaraalka oo ku sugnaa xaafada Buundada weyn ee magaalada Baladweyne.

Jugta qaraxyadaas ayaa laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Xogta aan helay ayaa tibaaxaysa in qaraxyadaasi uu ku dhaawacmay 1 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Fadaraalka, iyadoo ay macquul tahay inuu khasaaraha intaasi ka bato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here