Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka oo Cunaqabateyn Cusub Kusoo Rogtay Dawladda Iran.

30
0

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa shalay Arbacadii ku dhawaaqday cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogay Iran, laba maalmood kaddib markii Donald Trump uu ku dhawaaqay in Mareykanku uu doonayo wadahadal toos ah oo uu la yeesho Tehran, kaas oo ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in cunaqabateyntan lagu bartilmaameedsaday shan hay’adood oo laga leeyahay dalkaas, iyadoo xustay in cunaqabateyntan looga gol leeyahay kahor taga in Tehran ay yeelato hubka wax gumaada ee Nukliyeer-ka.

Talaabadan ayaa timid kaddib hadal lama filaan ah oo uu Trump Isniintii sheegay, kaas oo ahaa in Maraykanka iyo Iran ay wada hadal toos ah ku yeelanayaan maalinta sabtida ah dalka Cumaan. Si kastaba ha ahaatee, wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa saacado kaddib sheegay, in wadahadallada ka dhacaya Cumaan ay noqon doonaan kuwo aan toos ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here