Wada-hadallo u dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka ayaa ka furmay qunsuliyadda Ruushka ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaas oo ah wareegii labaad ee wada-xaajoodyada ay yeeshaan labada dal.
Sida laga soo xigtay Moscow iyo Washington, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo soo celin lahaa howlgallada danjirayaasha labada dhinac, kadib sannado badan oo xiisada ay ka dhex aloosaanaayeen labadan waddan.
Wafdiga Ruushka ayaa waxaa hogaaminaya safiirka cusub ee Ruushka u fadhiya Washington, Alexander Darchev, halka wafdiga Mareykanka ay hogaamineyso Sonata Coulter, oo ah ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha Mareykanka ee arrimaha dibadda ee Ruushka iyo bartamaha Yurub.
Af-hayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay, in Ruushka iyo Mareykanka ay dib u bilaabi doonaan wada-hadallada lagu soo celinayo xiriirka diblumaasiyadeed, kadib xiisad taagnayd in muddo ah.
Haweenay u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa talaadadii sheegtay, in ajandaha kulankaasi uusan ka mid ahayn arinta Ukrayn.
Waxa ayna tiri “Wadahadaladani waxay diirada saarayaan oo kaliya shaqada safaaradeena, maaha in si buuxda loo caadiyeeyo xiriirka laba geesoodka ah, taasi waxay dhici doontaa oo kaliya kadib marka ay nabad ka hergasho Ruushka iyo Ukraine, sida aan horay u caddaynay.”
Sanadihii la soo dhaafay, Moscow iyo Washington ayaa ka cabanayay dhibaatooyin xagga helitaanka waraaqaha aqoonsiga diblomaasiyiintooda, taasoo shaqada safaaradahooda ka dhigtay mid aad u adag.
18-kii bishii February waxaa magaalada Riyaad ee caasimadda dalka Sacuudiga ka dhacay kulankii ugu horeeyay ee ay yeeshaan wafuud ka kala socota labada dal, kaasi oo qeyb ka ah sidii loo soo celin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Ukraine.