Dagaallo Maanta Mar kale Ka Dhacay Duleedka Aboorey oo Lagu Dilay Askar Ka Tirsan DF.

19
0

Gobalka Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa lagasoo sheegayaa in maanta uu mar kale dagaallo culus ka dhaceen, halkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay ciidamada dawladda fadaraalka.

Dagaaladana oo ka dhacay duleedka deegaanka Aboorreey, ayaa lagu dilay 5 askari oo ka tirsan ciidamada dawladda fadaraalka, waxaana lagu dhaawacay 11 kale.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Aboorey iyo duleedkeeda ka dhacayay dagaallo dhawr mar laisku noqnoqday, iyadoo ciidamada dawladda looga dilay in kabadan 100 askari oo ay ku jiraan saraakiil ciidan oo uu Maraykanku tababartay oo qayb ka ahaa ciidamada danab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here