Dalalka Al-Jeeriya iyo Maali oo Eedaymo kulul Hawada Isku Mariyay kaddib Markii Al-Jeeriya lagu eedeeyay inay Diyaarado kasoo Riday Maali.

14
0

Waxaa cirka isku sii shareereysa  xiisadda u dhaxeysa dalalka Maali iyo Al-jeeriya, iyagoo hawada isku marinaya eedaymo kulul oo salka ku haya isku dhacyo dhawaan lagasoo diwaan galiyay xudeed beenaadka u dhaxeeya labadan dal, taas oo ugu damabayntii keentay inay safaaradaha kala qaataan.

Sida lagu sheegay dukumeenti uu baahiyay raadiye laga leeyahay dalka Faransiiska, xukuumadda Bamako ayaa warqad u dirtay waxa loogu golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 7-dii bishan April, taasoo ay ku wargelinayso wax ay ku sheegtay falal cadowtinimo oo Aljeeriya ay kaga soo horjeedo dalkooda.

Warqaddan ayaa lagu sheegay, in ciidamada cirka ee Aljeeriya ay si bareer ah u soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo laga leeyahay dalka Mali, taasoo ka dhacday gobolka Tizouatene ee dalkaaas 31-kii bishii March ee ina dhaaftay.

Labadan dal ayaa wadaaga xuduud beenaad ku teedsan 1,300 oo Kilomitir oo xiriirsan, waxaana xuduudaha labadan wadan ay marin u yihiin shabakadaha wax tahriibiya ee ku wajahan dalalka Liibiya, kuwaas oo usii socdaala badda Madarenianka ee qaarada Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here