Tiro Dad ah oo ku Nafwaayay Shil Diyaaradeed oo Ka Dhacay Gudaha Mareykanka.

16
0

Wararka inaga soo gaaraya dalka Mareykanka ee dhaca Qaarada Ameerika ayaa ku waramaya, in dalkaasi uu ka dhacay shil diyaaradeed oo galaaftay noolasha dhamaan rakaabkii saarnaa diyaaraddaas.

Diyaaradda shilka gashay oo ahayd nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka ah ayaa ku burburtay webiga Hudson ee mara Bariga gobolka New York ee dalka Maraykanka, waxaana saarnaa 6 ruux oo kaliya, kuwaas oo kala ahaa saddex qof oo waaweyn iyo saddex carruur ah, mana jira hal nafar ah oo ka badbaaday shilkaas, sida uu ka dhawaajiayay Duqa magaalada New York.

Duqa magaalada ayaa intaasi ku daray, in diyaaradda helikobtarka ah ay saarnaayeen sarkaal sare oo ka tirsanaa shirkad lagu magacaabo Siemens, xaaskiisa, iyo carruur uu dhalay, taas oo muujinaysa in dadka shilka ku dhintay ay ahaayeen hal qoys.

Muuqaalo lagu baahiyay Baraha Bulshada lagana soo qaaday diyaaradda burburtay ayaa muujinayay, iyadoo gabi ahaanteedaba ku rogmatay wabiga, inteeda badana ay ku qarqoomeen biyaha.

Si kastaba ha ahaatee, shilalka diyaaraha ayaa aad ugu soo badanaya caalamka gaar ahaan dalka Mareykanka, iyadoo mas’uuliyiinta dalkaas marwalba oo uu shil dhaca ay ku dhawaqaan, inay samaynayaan baaritaan ku aadan dhacdadaas, balse hadana ma jiraan natiijo wax ku ool ah oo ay soo saaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here