Gumeystaha Yahuuda Oo Duqeyay Isbitaalka Almacmadaani ee Magaalada Qaza.

35
0

Gumeystaha Yahuuda ayaa labo gantaal ku dhuftay dhismo ku dhex yaalla cisbitaalka weyn ee Almacmadaani oo ku yaalla magaalada Qaza.

Duqeynta ayaa burburisay qaybo kamid ah cisbitaalka sida qolka gargaarka degdegga ah iyo qaybta soo dhaweynta.

Duqeymaha gumeystaha ayaa waxyeello u geysatay dhismayaal kale oo katirsan cisbitaalka.

Difaaca madaniga ah ayaa sheegay in aysan jirin wax dhimasho iyo dhaawac ah. 

Gumeysataha Yahuuda ayaa sii wada xasuuqa bahalnimda ah ee ka dhanka ah shacabka muslimka ah ee Qaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here