Malatiga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay hawlgallo isugu jiro weerarro iyo qaraxyo waxa ay ka fuliyeen goballada Shabeelada hoose iyo Gedo.
Haddaan ku hormarna gobolka Shabeellaha hoose, dagaal culus oo lagu beegsaday ciidamada Afrikaanta ayaa habeennimadii xalay ka dhacay deggaanka Golweyn ee hoos-taga degmada Buulo Mareer.
Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa si gaar ah loogu beegsaday xerada askarta Uganda ay ku leeyihiin deggaankaasi.
DHanka gobolka Gedo, waxaa habeennimadii xalay ka dhacay qarax lagu beegsaday guriga maareeyaha garoonka Garbahaareey uu ka deggen yahay magaalladaasi.
Sida ay wararku tibaaxayaan weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 1 askari ka mid ahaa ilaalada mareeyaha garoonka.
Malatariga Al-Shabaab ayaa min Goolis illaa Laamuu ku beegsanaya ciidamada shisheeyo iyo daba dhilafyadooda Af-Soomaaliaga ku hadla.