Aadam Yabaal waa dagmo istiraatiji ah oo dhacda gobalka Shabeellada Dhexe, kana mida magaalooyinkiisa qadiimiga ah. Waxaana degmo ahaan loo magacaabay sanadkii 1962-dii. Dagmadaan ayaa sanooyin badan ku naaloonaysay ku dhaqan Shareecada Islaamka, balse ciidamada dawladda Fadaraalka oo ay kor ka tageerayaan diyaaradaha Mareykanka iyo kuwa Turkiga ayaa si luqun qabad ah loo geeyay muddo Sadax sano ka hor ah.
Dadka ku nool dagmada ayaana ciidamada dawladda Fadaraalka kala kulmay dhibaatooyin fara badan, oo ay kamid yihiin dhac iyo bililaqo ay u gaysanayeen hantidooda.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa degmada Aadan Yabaal waxaa lagu ururiyey kumanaan ka tirsan ciidamada dowladda Fadaraalk oo ay ku jiraan kuwii dhawaan kasoo firxaday degmooyinkii ka tirsanaa Shabeellaha dhexe ee dhawaan ay Jihaadiyiintu la wareegeen, sida deggaannada Al-Kowthar, Daaru-nicma iyo Boos-hareeri.
Waxayna sidoo kale ahayd goob laga ilaaliyo degmooyinka waawayn ee gobalkaas sida Mahaday iyo Jawhar, istiraatijiyad wayn ayayna u lahayd ciidamada dowladda Fadaraalka, iyadoo isku xiraysay gurmadkooda goballada Shabeellada Dhexe, Hiraan iyo deegaanno kale.
Waxa ay waayaha is guraanba, malatariga Al-Shabaab ayaa saaka si buuxda ula wareegay gacan-ku-heynta degmada Aadan Yabaal, kadib markii ay weerar culus oo jihooyin kala duwan ah kula jarmaadeen ciidamada dowladda Fadaraalka ee ku sugnaa hareeraha iyo gudaha degmadaasi.
Waxayna ka taageen raayada Tawxiidka, kadib markii ay cagta mariyeen ugu yaraan 10 xero oo ay ciidamada dowladda Fadaraalka ku lahaayeen hareeraha iyo gudaha magaalada, ciidamada fariisimahaasi ku sugnaa ayaana tiradoo lagu sheegay ugu yaraan 2500 oo askari, kuwaasi oo noqday wax dhintay, wax dhaawacmay iyo wax oodda jabiyey oo firxaday.