Tiro Dad ah oo ku Dhaawacmay Weerar Toogasha ah oo ka Dhacay Gudaha Dalka Mareykanka.

16
0

Ruux hubaysan oo aan habtiisa la garanaynin ayaa weerar toogasha ah ka geystay gudaha dalka Mareykanka, isagoo si gaar ah u bartilmaameedsaday iskuul ku yaalla magaalada Daalaas, ee gobalka Teksas ee dalkaas.

Inta la xaqiijayay waxaa weerarkaas ku dhaawacmay Afar qof, kuwaas oo saddex ka mid ah ay haleeshay rasaastii lagu weeraray iskuulkaas, halka ruuxa afaraadna uu siyaaba kale u dhaawacmay, Sida laga soo xigtay Waaxda Dab-damiska ee magaaladaas.

Isla gobalka Teksas ee dalka Mareykan ayaa waxaa 2021-kii ka dhacay weerar toogasha ahaa oo lagu bartilmaameedsaday mid kamida iskuullada gobalkaas, kaas oo isna dhaliyay dhaawaca afar ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here