Mujaahidiinta oo Bayaan Kasoo Saaray Lawareegida Degmada Aadan Yabaal iyo Deegaanka Yasooman.

21
0

Ciidamada Mujaahidiintu waxay saakay oo Arbaco ah weerarro cagmarin ah ku qaadeen
saldhigyadii ay cadawga murtadiinta ah ku lahaayeen duleedka iyo gudaha degmada Aadan Yabaal ee Wilaayada Islaamiga ah Shabeellada dhexe. Weerarada oo billawday salaaddii subax kadib ayay Mujaahidiintu dhawr jiho kaga qaadeen ciidamada murtadiinta ee cadawga ku ah shareecada Islaamka.

Saldhigyada cadawga ee ay Mujaahidiintu weerareen ayaa ahaa toban (10) saldhig oo ku yaalla duleedka iyo gudaha degmada, ayna deganaayeen maleeshiyaad kala duwan oo ashahaado la dirir ah kuwaas oo ay tiradoodu ahayd qiyaastii 2,500 (Laba kun iyo shan boqon) oo askari. Dagaallo xooggan kadib, Mujaahidiintu waxay – Allaah fadligiis – cagta mariyeen dhamaan sadhigyadii cadawga, waxayna si buuxda ula wareegeen fariisimayaashii murtadiinta iyo guud ahaan degmada Aadan Yabaal.

Ciidamadii cadawga Islaamka ahaa oo uu hogaaminayay murtad Odawaa Yuusuf Raage ayaa si habqan ah uga cararay saldhigyadooda, waxay u kala firxadeed dhulka baadiyaha ah ee duleedka Aadan YabaaL.

Bayaanka oo Dhamaystiran halkan ka akhriso

Mujaahidiinta oo la wareegay Aadan Yabaal iyo Yasooman

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here