Waxaa lasoo warinayaa, in diyaaradaha dowladda Mareykanka ay duqeymo casawtinimo ka geysteen gobalka Shabeellada Hoose, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad rayid ah.
Xogaha aan helnay ayaa tibaaxaya, in illaa 8 Ruux oo shacab ah ay ku dhinteen, halka 12 kale ay ku dhaawacmeen, kadib markii diyaaradaha Mareykanka ay duqeeyeen dad kaluumeysato ah oo ku sugnaa xeebaha ku teedsan magaalada Baraawe ee gobalkaasi.
Shisheeyaha duulanka ku ah dalkeena Soomaaliya ayaa marar badan fuliyay duqeymo uu ku xasuuqay dad rayid ah oo an waxba galabsanin, taas oo cadaynaysa in lagu haysto Islaanimada oo kaliya.
Halka dowladda Fadaraalka ee maqaar saarka ahna ay ku faanto gabood fallada uu shisheeyaha ka geysanaya dalkeenna.