Wararka ka imaanaya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ee dhacda Afrikada dhexe ayaa ku waramaya, in tobaneeya ruux ay ku nafwaayeen dalkaas, kadib markii uu dab qabsaday doon ay saarnaayeen oo maraysay wabiga Kongo, kaasoo sababay inay degto doontaasi.
Waxaana la xaqiijiyay, in dhacdadaasi ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 50 qof, halka 100 kalena la la’yahay, iyadoo howlgallada lagu baadigoobayo dadka maqan ay ka qeyb qaadanayaan kooxaha gurmadka iyo maamulka gobolka ee dalkaas.
Sarkaal ku sugan gudaha dalkaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in tobaneeyo qof la soo badbaadiyay kadib shilkaas, halka qaar badan oo ka mid ahna uu soo gaaray gubasho daran.
Muddo todobaad laga jooga ayaa sidaan oo kale doon ku degtay wabiga Kongo ayaa waxaa ku nafwaayay 50 ruux, iyadoo wabiyada iyo harooyinka dalkaas inta badan loo isticmaalo kala gudbisashada badeecooyinka, maadaama aysan jirin waddooyin laami ah oo ku filan gudaha dalkaas.