Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacantay toogasho ka dhacday jaamacadda Florida ee dalka Mareykanka maalintii shalay oo Khamiis ahayd, sida ay ku warameen Warbaahinta dalkaas.
Waxayna intaasi ku dareen, in dadka dhaawaca ah loo gudbiyay isbitaal ku yaalla gobalkaas, iyadoo ninkii toogashada geystay uu goobta isaga baxsaday, halka booliska gobalkaas aysan wali shaacinin sababta keentay weerarkaas.
Nin u hadlay isbitaalka la geeyay dhaawacyada ayaa mar uu la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP yiri, “Waxaan haynaa lix qof oo dhaawac ah, kuwaasoo mid ka mid ah xaaladdiisu ay aad u liidato, halka kuwa kalana ay xaaladoodu halis tahay,”.
Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhankiisa tibaaxay, in dhacdadaasi lagu soo wargaliyay, isagoo ku tilmaamay, nasiib darro iyo wax laga xumaado.
Dhawaan ayay ahayd markii toogasha ka dhacday mid kamida iskuullada ku yaalla dalkaas ay ku dhaawacmeen illaa 4 qof.