Mareykanka oo Ku Dhawaad 40 Qof ku Dilay Duqeymo uu ka Fuliyay Galbeedka Dalka Yemen.

21
0

Diyaaraha dowladda Mareykanka ayaa gabal-dhacii shalay oo Khamiis ahayd duqeymo ay dad badan ku nafwaayeen ka geystay gobalka Xudeydah ee galbeedka Yemen, sada ay tabiyeen Warbaahinnada xiriirka la leh kooxda Xuutiyiinta ee dalkaas.

Waxayna warbaahinnadaasi tibaaxeen, in diyaaradaha Mareykanka ay si gaar ah u beegsadeen dekedda Ras Ciise ee gobolkaas, halkaas oo ay ku dileen illaa 38 qof, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen, iyagoo xusay, in weerarrada ka dhanka ah dekedda ay dib u soo cusboonaadeen.

Tan iyo 15-kii bishii Maarso, Wakaaladda Anadool ee Turkiga ayaa u kuur gashay boqolaal duqeymo oo Mareykanka ku qaaday Yemen, taas oo ay ku dhinteen 125 qof oo rayid ah, ayna ku dhaawacmeen 256 kale, oo u badnaa carruur iyo haween, sida lagu sheegay xogta Xuutiyiinta oo aan ku jirin khasaaraha soo gaaray ciidamada kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here