Ciidamada Yahuudda ayaa jimcihii shalay qaaday labo weerar oo dhanka cirka ah oo ay la beegsadeen laba gaari oo marayay koonfurta Lubnaan, waxaana ku dhintay laba qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas, iyadoo tibaaxday, inay labaduba ahaayeen shacab.
Taas badalkeeda, ciidamada Yahuudda ayaa ku dhawaaqay, in diyaaradahoodu ay bartilmaansadeen labo xubnood oo ka tirsanaa ururka Xisbullaah, ayna mas’uulka koowaad ku dileen deegaanka Caytaa-Shacab ee koonfurta dalkaas, iyagoo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixinin ninka ay beegsadeen.
Halka duqeyn labaad oo ay ka fuliyeen meel u dhow magaalada Saydaa ee Koonfurta Lubnaan ay ku sheegteen, inay ku dileen nin ay ku magacaabeen Maxamed Jacfar, kaas oo ay ku sheegeen, inuu ka tirsanaa saraakiisha Xisbullaah, mas’uulna ka ahaa, in nidaamka isgaarsiineed ee maleeshiyaadkaas la geeyo guud ahaan Lubnaan, gaar ahaan koonfurta dalkaas.
Si kastaba ha ahaatee ururka Shiiciga ah ee isugu yeera Xisbullaah ayaa kasii baxaya saaxada dagaalka, iyadoo Yahuudda ay mid mid u ugaarsanayso xubnihiisa ugu sareeyo.