Ciidamada Alqaacida Oo Weerar Culus Ka Fuliyay Dalka Benin + Sawiro.

28
0

Mu’asasada Az-Zallaqa oo ah garabka warbaaihineed ee jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ee taabacsan urur waynaha Alqaacida ayaa faafisay sawirada hub faro badan oo u gacan galay militeriga Alqaacida ka howlgalla dalka Benin.

In ka badan 70 askari oo katirsan ciidamada dalka Benin ayaa lagu dilay sida lagu helaayo warar lagu kalsoon yahay oo ka imaanaya dalkaas.

Sidoo kale ciidamada Alqaacida ayaa gacanta ku dhigay hub fara badan oo ay ka mid yihiin 3 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn, Hoobiyeyaal, madaafiicda nuuca RPG-ga ah iyo qoryaha darandooriga u dhaca, madafiicda goobta iyo rasaas faro badan.

Weerarkaan ayaa noqonaaya midkii ugu waynaa ee abid ee ka fuliyaan militeriga Alqaacida dalka Benin.

Hoos ka daawo sawirada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here