Qaraxyo Xooggan oo ay Sababeen Duqaymo ay Gaysteen Diyaaradaha Maraykanka oo ka Dhacay Magaalada Sancaa ee Dalka Yemen.

7
0

Diyaaradaha Mareykanka ayaa xalay fiidkii duqaymo cusub ku garaacay caasimadda dalka Yemen ee Sancaa saacado un kaddib markii ay weerarro xooggan oo kuwan lamid ah ay ku beegsadeen deegaano dhaca gobolka Al-Xudeydah ee galbeedka Yemen.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya, in mar qura la maqlay qaraxyo waawayn oo ruxay magaalada Sanca, kuwaas oo ka dhashay duqayn ay gaysteen diyaaradaha Maraykanka, waxaana lagu beegsaday xaafadaha Al-Nahda iyo Nuqum ee ku kala yaalla waqooyiga iyo bariga caasimadda.

Duqaymahan xooggan ayaa imaanaya iyadoo ay Kooxda Xuutiyiintu ku dhawaaqeen inay soo rideen diyaarad ay lahaayeen ciidamada Maraykanka, taas oo dul maraysay magaalada caasimada ah ee Sancaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here