In kabadan 10 Ruux oo ku Dhintay Dhisme Kusoo Dumay Dalka Hindiya.

35
0

Maamullada dalka Hindiya ayaa  warbaahinta maxalliga ah ee dalkaasi u sheegay, in ugu yaraan 11 qof, oo ay ku jiraan saddex carruur ah ay geeriyoodeen, kadib markii dhismo ka kooban Afar dabaq uu kusoo dumay duleedka caasimadda Hindiya ee Niyuu Dalhi.

Warbaahinta dalkaas ayaana tabisay, in kooxaha gurmadka oo bilaabay baaritaan isla markiiba shilka kadib, ay u suurtagashay, in ay burburka hoostiisa ka soo saaraan 11 qof oo nool, halka ay xaqiijiyeen dhimashada 11 kale.

Dalka Hindiya ayaa waxaa marar badan laga soo calaamadeeyay shilal caynkaan ah oo ay ku dhinteen dad aad u farabadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here