Mu’assasada Al-kataa’ib garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goor sii horaysay oo maanta ah sii daysay Qaybta 03aad Farriimo ay soo direen qaar kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Towfiiq [Masaajid Cali Guduud].
Maxbuuskaan oo sida muuqata ku dhaawacmay dagaalkaas ayaa sheegay, inay meel cidla ah uga carareen ciidamadii uu ka tirsanaa isagoo dhaawac ah, wuxuuna ugu baaqay, dhalinyarada ku jirta safka ciidamada doowladda Fadaraalka inay isaga baxaan inta aysan ku dhicin dabinka uu isaga maanta dhex fadhiyo.
Maxbuuskaan ayaana ku celceliyay inaan lala dagaalami karin diin Islaamka, oo iyadu ay qaalib noqonaysa guushana ay raacayso.
Halkaan Ka Daawo Muuqaalka Siina Faafi.