Inka Badan 30 Ruux oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Shil Baabuur oo ka Dhacay Dalka Bakistaan.

10
0

Wararka inaga soo gaaraya dalka Bakistaan ayaa ku waramaya, in dalkaasi uu xalay ka dhacay shil baabuur oo ay dad farabaan dhimisho iyo dhaawac ku noqdeen.

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari xamuul ah uu ku dhacay dooxa ku taalla koonfurta Bakistaan, sida ay warbaahinta u sheegeen booliska dalkaasi.

Shilkan ayaana si gaar ah uga dhacay degmada Jaamshuuro ee koonfurta gobolka Sindi, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha booliiska magaalada Siddiq Shaanjaraa ee dalkaas.

Waxaana lasoo warinayaa, in dadka dhaawacmay qaarkood ay xaaladoodu aad u liidato, kuwaas oo lagu dabiibayo isbitaallada dalkaas. Shilalka ayaa kusoo badanaya caalamka, iyadoo loo aanaynayo burburka wadooyinka ee dalalka qaar iyo darawallada oo xawli u wada gawaarida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here