Askarta Dowlada Federaalka Soomaaliya Oo Dad Shacab ah Gaari Jiirsiiyay.

13
0

Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta gaari BG ah jiirsiiyeen dad rayid ah oo ku sugnaa deegaanka Cali Ganeey oo katirsan gobalka Hiiraan.

Shilkaas waxaa ka dhashay khasaaro xooggan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku dhintay 2 qof oo shacab ah halka ay dhaawaceen 3 qof oo kale.

Gaariga ayaa intaasi kadib rogmaday, waxaana ay taasi sababtay dhimashada 1 askari iyo dhaawaca 30 kale, kuwaas oo qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here