Xoga dheeraad ah ayaa laga helayaa weerarkii cagmarinta ahaa ee ay saaka Malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen kun qabsadeen fariisimihii ay ciidamada dowladda Fadaraalka gaar ahaan kuwa Danab ku la haayeen deegaan Wargaadhi ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
Warar horu-dhac ah ooh adda aanu helnay ayaa tibaaxaya, in ugu yaraan 25 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Fadaraalka lagu dilay dagaalkaas, halka 12 kalena lagu dhaawacay.
Waxaana xusid mudan, in Al-kataa’ib ay goo sii horay baahisay sawirrada qaar kamida maydadka ciidamada dowladda Fadaraalka ee lagu dilay weerarkaas xasminta ah.