Maamulka Yukrayn ayaa war uu soo saaray ku sheegay, in ciidamada Ruushku ay duqaymo culus ku garaaceen gobollo kala duwan oo dhaca bariga, koonfurta iyo bartamaha dalkaas, halkaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof oo u badnaa dad shacab ah, iyadoo ay tiro intaas kabadana ku dhaawacmeen.
Weeraradan oo ka kala dhacay gobalada Odheesa iyo Buultaafa ayaa lagu dilay illaa 9 qof, waxaana sidoo kale burbur xooggan uu soo gaaray kaabayaasha rayidka iyo ganacsiyada ee gobaladaas.
Warka kasoo baxay Kiyeef ayaa intaas ku daray, in nidaamka difaaca ee dalkaas uu soo riday 67 diyaaradood oo ahaa nooca aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo qayb ka ahaa 134 diyaaradood oo uu Ruushku kusoo weeraray gobalada dalkaas.
Hawgalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo saacadihii lasoo dhaafay uu Madaxwaynaha Yukrayn eedayn kulul u jeediyay dawladda Shiinaha, taasoo uu ku eedeeyay inay taakulo militari siiso ciidamada Ruushka, halka maamulka Biijiin uu wax kama jiraan ku tilmaamay dhamaan eedaymahaas.