Diyaaradaha Maraykanka ee duqaymaha joogtada ah ka gaysanaya dhulka ay Xuutiyiintu ka maamulaan dalka Yemen ayaa xalay fiidkii fuliyay weerar culus oo ay ku beegsadeen xarun ay lahaayeen kooxda Xuutiyiinta ee gacan saarka la leh dawladda Iiraan.
Duqayntan ayaa lagu burburiyay fariisimihii kooxdaas ay ku lahaayeen degmada Attaxyata ee dhacda koonfurta gobalka Xudeydah, weerarkan ayaana burburiyay kaabayaal militari oo kooxdku ku lahayd xarunta la beegsaday.
Hawgalkan ayaa kusoo beegmaya saacado un kaddib markii Ciidamada Yahuuddu ay ku dhawaaqeen in hawada dhulka ay gumaysiga ku haystaan ee Falastiin uu soo galay gantaal ay ka yimi dhanka Yemen, kaas oo ay Xuutiyiintu ku sheegteen inay khasaare culus ku gaarsiiyeen askarta Yahuudda.