Dawladaha Pakistaan iyo Hindiya oo Qarka Usaaran Inuu Dagaal ka dhex Qarxo.

22
0

Waxaa cirka iskusii shareertay xurgufta siyaasadeed ee ka dhex taagnayd dalalka Pakistaan iyo Hindiya, taas oo keentay in Ra’iisul wasaaraha Pakistan uu ku dhawaaqay in isku day kasta oo Hindi ah ku waycinayso qulqulka wabiga Sindi loo qaadan doono daandaansi dagaal, iyadoo ay sii kordhayso xiisadda u dhexeysa labada dal ee deriska ah ee ku hubaysan Hubka Nuliyeerka.

Dawladda Pakistaan ayaa kasoo hir jeesatay awaamir kasoo baxday Hindiya, kuwaas lagu joojiyay heshiiska biyaha ee Sindi Wootaris, waxayna soo saartay amarro lagu joojinayo dhamaan ganacsiyada kala dhaxeeya Hindiya.

Xiisadan ayaa daba socota weerarkii dhawaan ka dhaxay gobalka Kashmiir ee ay Hindiya maamusho, halkaas oo lagu dilay 26 qof, iyadoona lagu dhaawacay 17 kale oo dhamaantood ahaa dad shacab ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here