Laamaha amaanka ee dawladda Suuriya ayaa sheegay, in ay gacanta ku dhigeen shixnado hub ah, kuwaas oo gudaha dalkaas lagusoo galiyay qaab sharci daro ah, hubkan ayaa laga keenay dhanka Lubnaan, kaas oo ay wadeen qolyo mucaarad ku ah dawladda haatan ka jirta dalkaas ee talada kala wareegtay Nidaamkii Bishaar Al-Asad.
Hubkan oo lagu qabtay magaalada Qusayr ee galbeedka Suuriya ayaa lagusoo qariyay gaadiidka dadwaynaha ee iskaga kala goosha labada dal, waxayna laamaha amnigu xabsiga dhigeen dhamaan shikhsiyaadkii ku lug lahaa tahriibinta hubkan, sida ay sheegeen warbaahino caalami ah.
Waxaa xusid mudan in xuduud beenaadka ay wadaagaan Lubnaan iyo Suuriya ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayeen dagaallo sababay dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana rabshadahan loo aanaynayaa inay salka ku hayaan kooxo mucaarad ah oo ka haray nidaamkii Bishaar Al-Asad, kuwaas oo diiday inay isku dhiibaan dawladda cusub ee Suurya.