Ku Dhawaad 10 Qof oo Tahriibayaal ah oo ku Dhintay Xeebaha Dalka Tuunis, Kaddib Markii Dooni ay Wateen ay Kula Degtay Badda Meditareeniyanka.

23
0

Dad tahriibayaal ah oo la socday dooni ay wateen ayaa ku degtay xeebaha dalka Tuunis, iyagoo kusii jeeday wadamada qaarada Yururb, tirada hor dhaca ah ee dadka ku dhintay shilkan ayaa gaartay illaa 8 qof oo dhamaantood ahaa dad tahriibayaal ah.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee dalkaas ayaa sheegay in ay u suuragashay soo badbaadinta 29 qof oo kamid ahaa dadka ku qarqoomay doonida, inkastoo ay wali socdaan dadaalo lagu baadi gobayo dadkii kale ee saarnaa doonida.

Kumanaan tahriibayaal ah oo doonaya inay ka gudbaan badda Meditareeniyanka si ay u gaaraan jasiiradaha Talyaaniga ayaa  wajahaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah, iyadoo ay dalalka Yururb adkeeyeen xeebaha ay xuduud badeedka kala leeyihiin qaaradda Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here