In kabadan 40 Qof oo ku Dhintay Duqaymo Cusub oo Maanta ka Dhacay Magaalada Al-Faashir ee Dalka Suudaan Iyadoo Xoogagga Dacmu Sariic ay soo Saareen Baaq Cusub.

15
0

Ciidamada dawladda Suudaan ayaa ku dhawaaqay dhimashada iyo dhaawaca tobonaan qof oo rayid ahaa oo ku dhintay madaafiic ay xoogagga Taageeradda Degdegga ah ku garaaceen qeybo kala duwan oo ka tirsan magaalada Al-Faashir ee xarunta gobolka waqooyiga Daarfuur, iyadoo maleeshiyaadkan ay ciidamada dawladda ugu baaqeen inay isaga baxaan dhamaan magaalada.

Xafiiska warbaahinta militariga ee qeybta 6-aad ee ciidamada Suudaan ee ka hawlgala magaalada Al-Faashir ayaa sheegay, in 41 qof oo rayid ahaa oo ay ku jireen haween iyo caruur ay ku dhinteen tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen duqaymaha maanta lagu garaacay magaalada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaadka Taageerada Degdegga ah ay ku baaqeen in gabi ahaanba ciidamada dawladda ee ku sugan magaalada Al-Faashir ay isaga baxaan, iyagoo ballan qaadaya inay siin doonaan marino nabdoon.

Duqaymahan iyo baaqan ay soo saareen xoogagga Taageerada degdegga ah ayaa imaanaya iyadoo magaaladan ay shalay ka dheceen dagaallo culus oo dhaliyay xooggan, halkaas oo ay ciidamada dawladdu sheegteen inay ku dileen kuna dhaawaceen boqolaal askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Dacmu sariic.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here