Dowladda Iiraan Oo Toogatay Jaasuus U Shaqeeynayay Sirdoonka Mossad.

33
0

Iran ayaa xukun dil ah ku fulisay nin si weyn u basaasayay wadankeeda isla markaana fuliyay hawlgalo badan oo ay Mossad ka fulisay dalka Iran.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Mohsen Lenkershin, ayaa la toogtay ka dib markii maxkamad la soo taagay oo lagu helay in uu ahaa basaas u shaqeeya gumeystaha Yahuuda.

Edeysane Mohsen Lenkershin, waxa uu ku biiray sirdoonka Mossad ka bishii Oktoobar 2020. 

Kadib markii uu dhamaystay koorasyo tababar ah oo kala duwan, waxa uu fuliyay hawshiisii ugu horaysay ee Mossad u qabto bishii December snadkii 2020kii.

Waxaa ka mid ah howgaladii uu fuliyay:

Taageerada dhanka saadka, farsamada, iyo weerar lagu qaaday xarunta warshadaha ee Wasaaradda Difaaca ee Isfahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here