Xoogagga Taageerada Dagdagga ah oo Duqayn ku Bartilmaameedsaday Xarunta Madaxtooyada ee Dawladda Suudaan.

16
0

Maleeshiyaadka Taageerada degdega ah ayaa dib u soo cusboonaysiiyay duqeymihii ay ku hayeen ciidamada Suudaan ee ku sugnaa Qasriga madaxtooyada ee bartamaha magaalada caasimada ah ee Khartoum, iyagoo sidoo kale duqeeyay magaalada Al-Cubeydah ee waqooyiga Kordofan.

Ilo-wareed ka tirsan Milliteriga dalkaas ayaa warbaahinta u sheegay in xoogagga Taageerada Degdegga ah ay madaafiic ku garaaceen agagaarka madaxtooyada, taas oo dhalisay khasaare kala duwan, duqaymahan ayaa sidoo kale bartilmaameedsaday Xaafadda Al-Saalix ee Koonfurta magaalada Omdurmaan.

Tan iyo markii ay maleeshiyaadkan xoojiyeen weerarada ay ka gaysanayaan gobalada dalkaas, waxaa laba lixaadsaday  beegsiga ay ku hayaan xarumaha dawladda ee ku yaalla magaalada Khartuum, maalinimadii Khamiista ee ina dhaaftay ayay ahayd markii sidan oo kale ay  maleeshiyaadku duqayn ku burburiyeen xarunta wasaaradda macdanta ee magaaladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here