Shil baabuur oo ay dad farabadan dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ayaa ka dhacay gudaha dalka Mareykanka, sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.
Shilkaan oo si gaar ah uga dhacay gobalka Idaho ee dalkaas ayaa la xaqiijiyay, in Todoba qof ay ku nafwaayeen, halka siddeed kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii baabuur kuwa xamuulka qaada ah uu ku dhacay bas yar oo ay saarnaayeen koox dalxiisayaal ah oo cadadkooda ladu sheegay 14 qof.
Booliiska Mareykanka oo faahfaahin ka bixinayay dhacdadaan ayaa sheegay, in dadka geeriyooday ay kala ahaayeen lix qof oo baska la socday iyo darawalkii kaxaynayay gaariga xamuulka oo ahaa qofka keliya ee la socday gaarigaas, halka inta soo hartay ee la socotay baskana loo qaaday isbitaallada dalkaas iyagoo qaba dhaawacyo kala duwan.
Dalka Mareykanka ayaa waxaa dhawaanahan kusoo batay shilalka, haba ugu badnaadaan kuwa diyaaradaha, kuwaas oo mar walba galaafta noolasha dad aad farabadan.