Mid kamida Ra’iisul Wasaarayaashii Hore ee Yahuudda oo Sheegay inuu Kayyaanka Yahuudda Qarka u Saaran Yahay Burbur.

38
0

Ra’iisul wasaarihii hore ee Yahuudda ninka lagu magacaabo Ehud Barak  ayaa ku baaqay, in la sameeyo kacdoon shacbi ah oo talada looga tuurayo ra’iisul wasaaraha kayyaanka  Yahuudda Binyamiin Netanyaahu, si loo badbaadiyo kayyaankaas.

Kanaalka 13 ee  Yahuudda ayaa sheegay, in  Barak uu ku baaqay, in gabi ahaanba xilka laga xayuubiyo Netanyaahu, Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuuna yiri: “Israa’iil runtii waxa ay qarka u saaran tahay in ay burburto, dimuqraadiyadeeda iyo maqaamkeeda caalamiga ah ayaana khatar ku jira, Netanyaahu ayaana masuul ka ah dhiigbaxan nagu socda”.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay, in hashiis maxaabiis isdhaafsi ah lala galo muqaawamada Falastiin, kaas oo lagu soo celinayo maxaabiista Yahuudda ee ku jeebaysan jeelalka muqaawamada.

Ra’iisul wasaarahaan hore ee Yahuudda ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay baaqyo kuwaan oo kale hawada umarinayay ra’iisul wasaaraha Yahuudda Binyamiin Natenyaahu, isagoona ku celcelinayay, inuu Natenyaahu haadaamo iyo boholo kasii tuuraya Kayyaankooda fadhiidka ee lagu haaya dhulka Falastiin, uusana u qalmin hogaamintiisa iyo samatabixintiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here