Xoogagga Taageerada Degdegga ah oo Shalay Duqaymo ku Beeegsaday Magaalada Boort-Suudaan ee Xarunta Maamulka Dawladda Suudaan.

27
0

Maleeshiyaadka Dacmu Sariic ayaa shalay duqaymo culus oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku bartilmaameedsaday, garoon diyaaradeed, xarumo lagu kaydiyo saliida iyo dhismayaal ay daganaayeen dad shacab ah oo kuwada yaalla magaalada Boort-Suudaan ee saaran Badda Cas.

Ilo wareedyo maxali ah ayaa kusoo waramaya, in xoogagga Taageerada Dagdagga ah ay duqeeyeen saaka aroortii, saldhiga ciidamada cirka ee Cismaan Diqna, bakhaarro lagu kaydiyo saliida iyo xarumo badan oo rayid ah oo ku yaalla magaalada Boort-Suudaan, waxaana halkaas ka dhashay khasaare kala duwan sida ay xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah.

Dhacdooyinkan ayaa imaanaya, iyadoo ciidamada taageerada degdega ah ay si isdaba joog ah u bartilmaameedsanayaan xarumaha dawladda ee ku kala yaalla  gobalada dalka Suudaan. Dardartan ayaana soo xoogaysatay kaddib markii bilihii u dambeeyay ay ciidamada dawladda Suudaan ay la wareegeen magaalooyin ay horay u maali jireen maleeshiyadka Dacmu Sariic, taas oo u cuntami waysay dawladaha dariska la ah Suudaan oo taakulo dadban la garab taagan Maleeshiyaadka Taageerada Degdegga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here