Tiro Dad ah oo ku Nafwaayay Dooni ku Degtay Xeebaha Dalka Mareyknak.

16
0

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay, in gacanta lagu dhigay maydad saddex qof, halka uu socda baadigoobka 7 kale oo ay ku jiraan laba caruur ah, kadib markii ay dooni ay dadkaasi la socdeen kula dagtay xeebaha gobalka Kalifoorniyaa ee dalkaas.

Waxayna intaasi ku dareen, in maraakiibta ilaalada xeebaha iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ay sii wadaan baadigoobka loogu jiro dadka maqan.

Dhankiisa, afhayeen u hadlay Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Mareykanka ayaa sheegay, in ay isla markiiba goobta u direen doon iyo diyaarad Helikoobtar ah, halkaas oo laga soo badbaadiyay afar qof loona qaaday Isbitaallada dalkaas.

Dadka ka badbaaday shilkaan ayaa dhankooda  sheegay, in sagaal qof oo ay ku jiraan labo caruur ah wali la la’yahay, balse afhayeenka ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Mareykank ayaa wakaaladda wararka ee France-Presse u sheegay, in laba qof oo waaweyn markii dambe la helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here