Tiro Dad ah oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Duqeymo Cusub oo ay Yahuuddu ka Fulisay Koonfurta Lubnaan.

16
0

Ilo-wareedyo Lubnaaniyiih ah ayaa goor sii horreysay oo xalay ah sheegay, in diyaarad aan duuliye lahayn oo ay leedahay Yahuudda ay gantaal la beegsatay baabuur marayay waddo u dhaxaysa magaalooyinka Kafar Rummaan iyo Nabdhiyah oo kawada tirsan  koonfurta Lubnaan, iyaga oo aanan wax faahfaahin ah ka bixinin khasaaraha ka dhashay duqeymahaas.

Balse wasaaradda caafimaadka ee dalka Lubnaan ayaa shaacisay, dhimashada hal qof iyo dhaawaca saddex kale kadib duqeyn ay diyaaradaha Yahuudda ka geysteen magaalada Kafar Rummaan ee koonfurta dalkaasi.

Tan iyo 8 Oktoobar 2023-kii, Yahuudda waxay duqeymo dhanka cirka ah ka waday dalka Lubnaan, duqeymahaas oo ay ku dhinteen in ka badan 4 kun oo qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad ​​17 kun , iyadoo intaasi lagu darayo ku dhawaad ​​1.4 milyan oo ka barakacay deegaanadoodii. Sida laga soo xigtay xoga rasmi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here